SO | EN

SO | EN

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo xukun ku riday afar qof oo lagu soo eedeeyay falal dhac ah.

|

Muqdisho((KAAB TV)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday afar ruux oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan nabadsugidda Muqdisho, kuwaasoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal dhac iyo khamri. Kormeeraha Labaad Aslub Nuur Iidle Salaad, C/salaan Arwaax Shariif iyo Maxamed Nuur Axmed ayaa lagu xukumay 8 sano oo xarig ah. Nimco Maxamuud Cali oo ah haweeneyda kaliya ee kooxdaasi ka tirsan ayaa lagu xukumay shan sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in kooxdan ay gaari u adeegsadeen falal dhac ah oo ka dhacayay degmooyinka kala duwan ee magaalada Muqdisho, iyagoo bartilmaameedsaday afar iyo toban ruux. Dacwadda maxkamadda ayaa lagu ogaaday in Cali uu mas’uul ka ahaa qarinta alaabta la soo xaday, waxaana gaariga kooxdan loo dhigay si xeeladeysan oo ay ku marin habaabiyaan ciidamada ammaanka.

Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku soo dhigay raggan bishii sideedaad ee sanadkii hore, markii ay gaariga ka heleen Garaash ku yaala Degmada Hodan. Maxkamadda ayaa xustay in waqti ku filan la siiyay difaaca ka hor inta aan la xukumin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News