SO | EN

SO | EN

Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo xukuno dil ah saakey fulisay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saakay fagaare kuyaalla Iskuul boliisiya xukun dil ah kula fulisay saddex nin oo katirsanaa kooxda Al Shabaab, kuwaa oo horey maxkamadda ugu riday xukunno dil ah.

Sidoo kale, Raggan xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay ayaa kala ahaa, Qudaama Xamze Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey) iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka), waxaana fagaaraha ragan lagu tooganayay ku sugnaa saraakiil katirsan Maxkamadda ciidamada iyo sidoo kale saraakiil ciidan.

Dhanka kale, Xubnahan la toogtay ee katirsan kooxda Al Shabaab, ayaa lagu helay in ay geesteen dilal qorsheysan oo ay u geesteen dad shacab ah iyo askar ku sugnaa magaalada Muqdisho iyo sidoo kale gobolka Shabeelaha Hoose.

Sikastaba, Xukunnada dilka ah ay fuliso dowladda Soomaaliya, ayaa aad u yaraaday muddooyinkii lasoo dhaafay, waxaana xabsiyadda Muqdisho ku xiran rag badan oo maxkamadda ciidamada ku riday xukunno dil ah, kuwaa oo isugu jira xubno katirsan Al Shabaab iyo askar iyana dilal geestay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News