Congo (KAAB TV) – Xafiiska dacwad oogayaasha maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Congo ayaa Axaddii shalay sheegay, in maanta oo Isniin ah maxkamad lasoo saari doono ilaa 75 askari oo lagu eedeeyay in ay kasoo carareen dagaalka gobollada bari ee dalkaasi Congo.
Sidoo kale, askartan ayaa looheystaa dacwad ah in ay isaga soo baxeen furimaha hore wax yar ka hor inta aysan fallaagada M23 la wareegin gacan ku heynta deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu ee bariga Congo.
Dhanka kale, 75-tan askari ee wajahaya maxkamadeynta ayaa la xiray iyaga oo ka cararay jiida hore ee dagaalka, kadib qabsashadi deegaanka Nyabibwe, waxaana lagu eedeeyay kufsi, dil, bililiqo iyo kacdoon, xafiiska dacwad oogaha militariga ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in magaalada Goma ee caasimadda Kivu ay ka dhaceen gaboodfallo dhowr ah oo ay ku jiraan, dil wadareed, kufsi wadareed, addoonsi galmo iyo xad-gudubyo kale oo ka dhan ah aadanaha, kuwaas oo ka dhacay gobolka Kivu, gaar ahaan Goma.
Sikastaba, dagaalyahannada M23, ciidanka dowladda Congo iyo malleeshiyaadka tageersan dowladda, ayaa dhammaantood lug ku lahaa gaboodfallada, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.