SO | EN

SO | EN

Maxkamadda ciidamada Jubbaland oo ufadhiisatay maanta kiiska sargaal loo heysto As

|

Kismaayo (KAAB TV) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee Jubbaland, ayaa Maanta u fariisatay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Mukhtaar Cabdi Aadan ( Hoobiye ) oo ahaa sargaal ka tirsan ciidamada Jubbaland, kaas oo loo heysto la shaqeynta kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale, guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida iyo Dambiyada Culus ee  Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay fadhiga maxkamada, waxa uuna sheegay in dhinacyada dacwada ay u furan tahay soo bandhigista dacwadooda ku aadan eeda loo heysto Mukhtaar Cabdi Aadan.

Dhanka kale, xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Jubbaland Gaashaanle dhexe Ismaaciil Cabdi Cali, ayaa maxkamadda ka hor aqriyay kiiska ay ku eedeynayaan Mukhtaar Cabdi Aadan (Hoobiye), asagoo sheegay in eedeysanaha la shaqeynta Al Shabaab uu bilaabay Sanadka 2021-kii, waxa uuna xusay in uu u qaabilsanaa gudbinta xogaha ciidamada  Jubbaland, sida barista kiiskaan ay ku ogaadeen xafiiska dambi barista iyo ciidamada qaaska ah ee Jubbaland oo iska kaashaday baarista kiiska eedeysane Mukhtaar Cabdi Aadan.

Ugudambeyntii, guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada ee Jubbaland, Gaashaanle Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ayaa  soo xiray fadhiga maxkamadda, isagoo sheegay in mar kale Maxkamaddu ay fadhi ka yeelan doonto kiiska eedeysanaha Mukhtaar Cabdi Aadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News