Baydhaba (Kaab TV) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo horay dilal u geystay.
Labada nin ayaa waxaa saaka lagu toogtay cara tuurka oo ah waqooyiga Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.
Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.
Waa toogashadii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhaceysa Baydhaba, waxaana shalay magaaladaan lagu dilay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.
Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.