DHUUSAMAREEB (Kaab TV) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug ayaa maanta oo Axad ah ku xukuntay dil toogasho ah labo nin oo lagu heley inay dileen haweeney iyo saddexdeeda gabdhood horraantii bishii hore ee October.
Dilkaasi ayaa ka dhacay deegaan u dhow Qaayid oo ku dhow magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.
Maxkamadda ayaa maanta sheegtay inay burisay xukun xarig ahaa oo horey maxkamadda hoose ugu xukuntay saddexda nin, waxaana eedeysane Cabdi Cismaan Cabdullaahi iyo eedeysane Galad Axmed Xuseen lagu xukumay in dil toogasho ah lagu fuliyo.
Labada nin waxaa lagu eedeeyay inay toogteen oo ay dileen Sahro Xersi Cartan iyo saddexdeeda gabdhood oo la dilay 9 Oktoobar 2025 xilli habeen ah oo ay ku sugnaayeen hoygooda oo ku yaalla tuulada Xiindheere.
Sahro Xersi Cartan ayaa lala dilay saddexdeeda gabdhood oo kala ahaa: Nuura Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed Maxamuud iyo Faa’sa Axmed Maxamuud.
Kooxda dilka geysatay ayaa aano qabiil darteed u dilay haweenka afarta ah, ka dib markii ay waayeen seyga Sahro oo xilligaasi ka maqnaa tuulada dilka ka dhacay.
Maxkamadad waxay eedeysanaha seddexaad oo ah Ayuub Maxamed Cabdi ku riday xukun shan sano oo xabsi ah.
Waxay kaloo maxkamaddu amartay in maamulka Galmudug la wareego labo qori oo nooca AK47 ah oo ay dilka u adeegsadeen labada eedeysane ee la xukumay.
Dilalka ku saleysan qabiilka ayaa dhibaato weyn ku haya deegaanada gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana gobollada qaarkood hadda ka socda colaad beeleed salka ku haysa aanooyin qabiil.

