SO | EN

SO | EN

Maxkamadda Garowe oo dil ku xukuntay nin loo heystay dilka wiil baabuurta dhaqi jiray

|

GAROWE (Kaab TV) – Maxkamadda Darajada 1aad ee degmada Garowe ayaa xukun dil ah ku riday Cabdikariin Cali Cabdi oo ah eedaysane kasoo jeeda degmada Taleex, kaddib markii lagu helay dambi ah inuu dilay Mustafe Maxamed Nuur, wiil dhallinyaro ah oo ka shaqeyn jiray dhaqida baabuurta.

Xukunkan ayay maxkamaddu soo saartay shalay oo Isniin ahayd, iyadoo ay joogeen ehelada labada dhinac, garsoorayaasha, xeer ilaalinta iyo qareenka eedeysanaha.

Eedeysane Cabdikariin ayaa lagu eedeeyay inuu si bareer ah u dilay marxuumka, ka dibna uusan wax gargaar ah u fidin.

Garsooraha ayaa sheegay in eedeysane Cabdikariin uu adeegsaday hub sharci darro ah oo ahaa qori AK-47 iyo inuu khalkhal galiyay amaanka iyo xasiloonida gobolka Nugaal ee caasimadda Puntland ee magaalada Garowe.

Garsooraha ku dhawaaqay xukunka, Cabdikariin Maxamed Aw-Nuur, ayaa sheegay in xukunka lagu fuliyay iyadoo la raacayo qaanuunka shareecada Islaamka ee Qisaasta, waxaana uu yimid kaddib baaritaan dhameystiran oo lagu sameeyay dhacdada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in xukunka ay ka furan tahay racfaan haddii ay jirto cid aan ku qancin xukunka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News