GALGADUUD (KAAB TV) – Maxkamada gobolka Galgaduud ayaa maanta oo Talaada ah fariistay , kiiska AUN Wariye Cabdirkariin Bulxan oo maalmo ka hor lagu dilay degmada Caabudawaaq ee gobolka galgaduud.
Sidoo kale, kiiskan oo loo haysto Cabdixakiin Axmed Cigaal ayaa waxa ka soo qayb galay qaadistiisa , masuuliyiinta degmada , garsoorayaal , iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.
Waxaa ugu horeyn furay maxkamada Gudoomiyaha maxkmada gobolka galgaduud Osmaan Cali Hudey.
Gudoomiyaha ayaa waxa uu sidoo kale waydiiyay eedaysanaha inuu dilka gaystay iyo in kale ama inuu dood sharciga ah ka qabo.
Xeer ilaaliye ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug Cabdixakiin oo goobta ka hadlay ayaa jeediyay eedaha looheysto ninkan.