SO | EN

SO | EN

Maxkamadda Racafaanka Gobolka Banaadir oo maanta ufadhiisatay kiiskii Gacan kudhiigle Sayid Cali

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah ufadhiisatay dhageysiga kiiska dilka ah iyo gubitaanka ah uu xaaskiisa magaalada Muqdisho u geestay Siid-cali Macalin Daa’uud.

Sidoo kale, Sayid-cali Macalin Daa’uud ayaa bishii hore maxkamadda gobolka Banaadir ku riday xukun dil ah, kaddib markii ay ku heshay in dil bareer ah iyo gubitaan u geestay xaaskiisa oo uur laheyd oo lagu magacaabi jirayLuul Cabdicasiis.

Dhanka kale, xukunkii hore ee dilka ah waxaa racfaan ka qaatay Sayid-cali Macalin Daa’uud oo isagu diidan in xaaskiisa si kas ah u dilay, waxaana laga war sugayaa mar kale go’aanka ay maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto kiiskan.

Ehelada Luul Cabdicasiis ayaana horey u diiday in wax diyo ah ka qaataan ninkan dilay gabadhooda, waxa ayna dalbanayeen in xukun dil ah lagu ridio ninkan sida arxan-darada ahaa u dilay gabadhooda oo xaas u aheyd.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News