SO | EN

Maxkamadda Sare ee Kenya oo go’aan ku saabsan kiiska Madaxweyne ku Xigeenka laga sugaayo

|

NAIROBI (KAAB TV) – Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa go’aan ku saabsan kiiska dacwadda ah ee lagu soo oogay Madaxweyne ku Xigeenka dalka, Rigathi Gachagua soo saari doonta maalinta Jimcaha ee toddobaadkan.

Rigathi Gachagua ayaa Maxkamadda Sare u gudbiyay codsi uu ku dalbanaayo inay guddi garsoor u magacawdo dhageysiga in dacwad ku oogista ay keeneen xildhibaanada ay tahay mid sharci ah iyo in kale.

Maxkamadda Sare waxay eegi doontaa inay gali karto codsiga uu soo gudbistay Rigathi Gachagua oo ah in koox garsoorayaal loo saaro sharcinimada mooshinka.

Rigathi Gachagua wuxuu ku doodayaa inaysan sahlanayn dacwad ku oogista madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, maadaama ay ku fadhiyaan cod dadweyne, ayna tahay in la helo codka dadweynaha haddiiba dacwad xil ka qaadis laga keenaayo labada mas’uul ee dalka ugu sarreysa.

AKHRISO: MOOSHINKA XIL KA TUURISTA MADAXWEYNE KU XIGEENKA KENYA

Maalintii shalay ee Talaadada ayaa 281 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka dalka Kenya waxay u codeeyeen in dacwad xilka looga tuuraayo lagu qaado Rigathi Gachagua.

Rigathi Gachagua waxaa loo heystaa eedeymo musuqmaasuq, ku takri fal awoodeed, qabyaalad hurin iyo inuu caqabad ku noqday dowladda ee madaxweyne ku xigeenka ka yahay.

Mooshinka ayaa hadda lo gudbiyay Aqalka Senate-ka ee Kenya oo iyaguna dhageysan doona markooda.

Haddiise ay diidaan Senate-ka waxaa halkaa ku burburi kara mooshinka xilka looga eryayo Rigathi Gachagua.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News