SO | EN

SO | EN

Maxkamadda sare ee maamulka Koonfur Galbeed oo dil ku xukuntay nin ayeeydiis gowracay

|

Beydhabo (KAAB TV) – Maxkamadda Sare ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku fulisay Yuusuf Jeylaani Seef, kaddib markii lagu helay in uu dil bareer ah uu u geystay ayeeydiis, Xaawo Cabdi Xasan (Afikirow) 4-tii bishan, gudaha Degmada Awdheegle ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaalinta Koonfur Galbeed ayaa eedeysanaha ku soo oogay dacwad adag, isagoo ku eedeeyay inuu jabiyay Qodobka 434 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo lala aqriyay Qodobka 24, Farqada 1aad iyo Qodobka 39, Xarafka (D), kuwaasoo si cad u qeexaya dambiga dilka bareerka ah.

Dhanka kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Koonfur Galbeed,  Axmed Cali Musse  ayaa go’aamiyay in Yuusuf Jeylaani Seef lagu xukumo dil toogasho, si loogu fuliyo qisaasta marxuumad Xaawo Cabdi Xasan, loogana dhigo cashar adag oo ka hortagaya dambiyada arxan-darrada ah.

Sikastaba, maamulka Koonfur Galbeed ayaa bilaabay maalmihii lasoo dhaafay in si dhaqsiyo leh loo toogto dadka geysta dilalka deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed si looga hortaggo dambiyadda abaabulan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News