NEW YORK (Kaab TV) – Nicolás Maduro, madaxweynihii xilka laga tuuray ee Venezuela, iyo xaaskiisa Cilia Flores ayaa Isniintii la horgeeyay maxkamad federaal ah oo ku taalla Manhattan, Mareykanka, kaddib markii ay qabteen ciidamada Mareykanka hawlgal si weyn loo hadal-hayay oo dhammaadkii toddobaadka la fuliyay.
Nicolás Maduro iyo xaaskiisa waxay maxkamadda ka hor sheegeen inay aan danbi lahayn eedeymaha loo haysto.
Eedeymaha lagu soo oogay
Maduro waxa uu wajahayaa dacwad federaal ah oo culus, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
- Shirqool ku lug lahaansho daroogo iyo argagixiso
- Shirqool lagu soo gelinayo cociane Mareykanka
- Haysasho iyo shirqool la xiriira hub culus (qoryaha otomaatiga ah) iyo
- Haysashada hub wax burburiya
Eedeymahan ayaa salka ku haya tuhunka Mareykanka ee ah in Maduro iyo saaxiibbadiis ay muddo dheer ku lug lahaayeen shabakad dambiyeed oo caalami ah oo ka shaqaynaysay tahriibinta daroogada iyo dambiyo kale oo la xiriira.
Intii uu joogay maxkamadda, Maduro waxa uu ku adkaystay inuu danbi la’aan yahay, isaga oo sheegay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Venezuela, isla markaana ku tilmaamay qabashadiisa inay tahay “afduub” ay fuliyeen ciidamada Mareykanka. Waxa kale oo uu sheegay inuu yahay “maxbuus dagaal”.
Isaga iyo xaaskiisa Cilia Flores labaduba way beeniyeen dhammaan eedeymaha loo jeediyay.

