Beydhabo (KAAB TV) – Maxkamadda ciidamada ayaa saakey xuku dil ah kuriday saddex kamid ah ciidanka maamulka Koonfur Galbeed kuwaas oo horey udilay dad shacab ah.
Sidoo kale, Saddex nin ayaa waxaa lagu tooktay fagaar kuyaala magaalada Beydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo labo qof oo shacab ah kudilay xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Raggan dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Xuseen Cali Macalin oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh Aadan oo isna ka tirsanaa ciidanka mlitariga ayaa saakay lagu fuliyay xukun dil qisaas ah.
Xuseen Cali Macalin iyo Cabduwaaxid Cali Sheikh ayaa horey udilay marxuum Muxudiin Maxamed Cabdiraxmaan, taariikhdu markey aheyd 18-kii June sanadkii 2018.
Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale saakay xukun dil ah ku kuriday Cabdulaahi Ibraahim Yarow (Borow) oo isna lagu helay in uu dilay Isgoowe Maxamed Aadan, waxa uuna dilkan bishii June ka dhacay isla magaalada Baydhabo.