minnesota (KAAB TV) – Maxkamad kutaalla Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday diblumaasi u dhashay dalkaasi, kaddib markii lagu helay in sannado badan uu jaajuus u ahaa dal cadaawad kala dhaxeysay dowladda Mareykanka.
Sidoo kale, diblumaasigan udhashay wadanka Mareykanka oo lagu magacaabo Victor Manuel Rocha oo 73-sanno jir ah ayaa qirtay in uu jaajuus u ahaa sannado badan dowladda shuuciga ah ee Cuba, waxa ayna ninkan maxkamadda ku xukuntay 15-sanno ah oo xarig ah.
Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka ayaa kiiska diblamaasigaasan hore ugu tilmaantay, mid ka mid ah jaajuusnimadi ugu heerka-sarreysay uguna waqtiga dheereyd ee lagu sameeyo Dowladda Mareykanka.
Dhanka kale, Safiirkii hore ee dowladda Mareykanka u joogay dalka Bolivia ayaa si hoose ula shaqeenayay xuggo sirdoon oo xasaasi ahna siinayay dowladda Cuba muddo 40-sanno ah, waxa uuna ninkan maxkamad kahor qirtay qaar kamid ah dambiyada lagu soo eedeeyay.
Ugudambeyn, diblumaasigan Mareykanka ah ee xukunka lagu riday ayaa sannado badan katirsanaa wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, waxaana ninkan lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii ugu jaajuusnimada xumaa ee soo mara Mareykanka.