Muqdisho (KAAB) Fadhiga Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Arbaca ah isha lagu wada- hayaa waxaana lagu wadaa inuu dood ka yeesho arrimaha Dastuurka KMG ah .
Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa sheegay inay muuqato in la meelmarin doonaa habraaca wax-ka bedelka Dastuurka KMG ee JFS.
Sida xogaha aynu ku helayno ,qaar ka mid ah Dowlad Gobolleedyada ayaa ka horyimi, madaxdii hore iyo wax-garadka ayaa ka digay arrintaas.
Professor Afyare Cilmi ayaa ka digay in iyada oo laga faa’iideysanayo xiisadda dalka ka jirta in baarlamaanku u codeeyo sharciga lagu muransan yahay ee habraaca lagu muransan yahay ee wax ka bedelka Dastuurka KMG.
Waxa la is waydiinayaa su’aallo ay ka mid ah ,berri Madaxweyne Xasan Sheekh dalka ma u horseedi doonaa kala qeybsanaan iyo kala tag halis galiya midnimada qaranka?
Go’aanka berri ee baarlamaanka meesha maka saari doontaa isku dubnidii shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee la helay kaddib damaca qaawan ee Itoobiya ku dooneysa badda dalka?
Go’aankani wuxuu ku soo aadayaa waqti xasaasi ah oo aan ku habbooneyn dooddan. Waxaa kale oo ka muuqda niyad-xumi lagu doonayo in buuqa siyaasadeed ee socda la dhex-mersiiyo mashruuc khilaaf weyn keeni kara.