Muqdisho (KAAB ) Nidaamkan wax ka bedelka Dastuurka waxa uu la soo jaanqaaday doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud & ka dib Bishii May ee sanadkii hore markaas oo Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka Ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii u horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku xigeen.
Waxa si weyn loogu muransan yahay habraaca wax ka bedelka Dastuurka ka hor maantan waxa jiray digniino ay soo saareen madax hore , siyaasiin iyo kudlada xildhibaanada mucaaradka , dhamaantooda waxay isku raaceen cawaaqib xumada ka dhalan karta qorshaha wax lagaga bedelayo Dastuurka KMG.
Buuq ayaa hareeyeeyay maanta meel marinta habraaca wax ka beddela dastuurka, iyadoo xildhibaano dhowr ay ku eedeeyeen guddoomiyaha baarlamaanka inuu afduubtay golaha.
“Ayadoo ajendihii aan la qaybin, habraaciina aan laga wadahadlin ayuu guddoomiyaha golaha shacabka wuxuu ku dhawaaqay in la ansixiyey sharciga. Ilaa hadda waxaan is weydiinaynaa waxa la ansixiyey, sababtoo ah habraaca in naloo qaybiyo oo laga doodo ayey ahayd” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Talaabada xigta ayaa la filayaa in ay noqoto sidii dastuurka wax looga beddeli lahaa maadaama la meel mariyey habraacii loo mari lahaa wax ka beddelkaas.
Wax yaabaha loo cuskanayo waqtigan in la qaado talaabadan ayay falanqeyayaashu ay sheegeen in ay tahay , xaaladda siyaasadeed ee dalka ka jirta iyo kala-qeybsanaanta aragtida, xoogagga siyaasadda, gobollada iyo qabaa’ilka .
Madaxda dowladda federaalka, sida madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoonka baarlamaanka ayaa lagu dhaliilay qorshahaan in ay gadaal ka riixayeen in muddo ah wax ka bedelka dastuurka .
Wixii maanta ka dhacay Golaha shacabka ayaa la saadaalinayaa in Dowladda Xasan Sheekh ay ku keeni karto culays siyaasadeed oo ay adkaan doonto sidi loo xalin lahaa isla markaana ay ku furi doonto albaab ka xirnaa oo ay adag tahay haddii la furana sidii markale loo xiri lahaa hadana Xasan Sheekh siduu u maareyn doonaa culayska siyaasadeed ee uu wajahay ?.
W.Q Hanad Ali Guled
Chief Editor KAAB.