SO | EN

SO | EN

Mexey kuwada hadleen Xasan sheekh, Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Laftagareeen?

|

Muqdisho (Kaab TV) – Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan xasaasi ah oo uu xalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kaas oo ka dhacay gudaha xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu horeyn madaxda ayaa iska xog wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo haatan meesha umaraayo.

Shirkaan oo saacado badan qaatay ayaa yimid, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh u yeeray, Axmed Qoor Qoor, Cabdicasiis Laftagareen iyo Cali Guudlaawe oo maalmihii udambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay u joogeen howlo shaqo.

Madaxweynaha dowladda dhexe ayaa saddexdan hoggaamiye kala hadlay sidii ay deg deg ugu bixi lahaayeen safarkkooda magaalada Garoowe, si ay wadahadallo ku saabsan tabashada Puntland ula soo yeeshaan madaxweyne Saciid Deni.

Hasayeeshee hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ey kasii dartay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo Puntland kadib markii uu habeen hore madaxweyne Xasan Sheekh uu hoos u dhigay khilaafka kala dhexeeya maamulka Garoowe, isaga oo shaaciyay in uusan ogeyn tabashada ay qabto Puntland, taas oo ka careysay kooxda madaxweyne Saciid Deni.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News