SO | EN

Mexey WHO kala soo kulantay Isbitaalka Alshifa ee koonfurta magaalada Gaza?

|

Gaza (KAAB TV) – Qaar kamid shaqaalaha Qaramada Midoobay ayaa shalay booqday Isbitaalka Alshifa ee magaalada Gaza sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Sidoo kale, kooxdan gaartay Isbitaalka Alshifa ayaa waxa ey (WHO) sheegtay in wax kabadan halaasc ey kuqaateen gudaha Isbitaalka Alshifa kaas oo uu dagaalka xooggan uu kasocday meel udhow Isbitaalka.

Dhanka kale, WHO ayaa shaaca ka qaaday in dad dhaawac ah ey kudhinteen gudaha Isbitaalka afartii maalmood ee lasoo dhaafay sababo laxiriira adeeg caafimaad la’aan.

“Gudaha Isbitaalka Alshifa waxaa hada kuharsan 25-qof oo kamid ah shaqaalaha Isbitaalka iyo 219 bukaano ah halka qarkaloo bukaano ah ey kudhinteen sababo laxiriira adeeg caafimaad” sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay (WHO).

“Bukaannada waxaa ka mid ah 32 carruur ah oo ku jira xaalad aad u daran, laba qof oo ku jira qeybta daryeelka degdegga ah (ICU) oo aan hawo lahayn, iyo 22 bukaan oo kelyo sifeyn ah kuwaasoo helitaankooda daaweynta nafaha lagu badbaadinayoaan heli karin.”

WHO ayaa sheegtay in ey si deg deg ah u hormarineyso sidii loo daad gureen lahaa shaqaalaha iyo bukaanada labo Isbitaal oo kuyaala koonfurta Gaza.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News