Canada (KAAB TV) – Dowladaha Canada iyo Mexico ayaa si isku mid ah ugu falceliyay, canshuur-kordhinti uu Sabtidi badeecadaha ay u soo dhoofiyaan Mareykanka kusoo rogay madaxweynaha dib loo dortey ee Donal Trump.
Sidoo kale, Trump ayaa Sabtidi sheegay in ay dhaqan gashay tacriifta uu horay u saaray badeecadaha Mexico, Canada iyo Shiinaha isagaoo sigaar ah Canada iyo Mexico udul dhigay canshuur kordhin dhan %25, halka iyana Mexico iyo Canada ay Axaddii shalay iyaguna ku dhawaaqeen in si aargoosi ah ay 25% u saareen badeecadaha uu Mareykanka geeyo dalalkooda.
Dhankeeda, Canada waxay sheegtay in Talaadada berrito ah ay dhaqan geli doonto canshuur kordhinta koowaad oo ay sheegtay in ay saartay cabitaannada, alaabaha la isku qurxiyo, iyo warqadaha. Badeecadahaasi ayaa waxaa ku kacaya lacag dhan 20 bilyan oo dollar.
Wajiga labaad ayay sheegtay in ay saari doonto alaabo kale oo uu Mareykanka Canada u iib geeyo oo ay ku jiraan baabuurta yar yar, kuwa xammuulka, biraha iyo jaandiga, khudaarta iyo hilibka xoolaha iyo kuwa doofaarka.
Sikastaba, badeecadahaasi ayaa lagu qiyaasay lacag dhan 85 bilyan oo dollar sannadkiiba.
Dhanka Mexico, dowladdu waxay ilaa iyo hadda sheegtay kaliya in ay ku soo rogi doonto Mareykanka canshuuro aargoosi ah, iyada oo aan faah-faahin qiimaha iyo badeecadaha.