SO | EN

SO | EN

Mid kamid shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala Soomaaliya oo la ganaaxay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Mas’uuliyiinta Shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines ayaa dowlad goboleedka Jubbaland ku eedeeyey in shalay ay afduubteen mid kamid ah diyaaradahooda taas oo si xoog ah ciidan ka tirsan Jubbaland ku geysay degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Sidoo kale, maamulka shirkadda ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku xad-gudbay nidaamkooda, isla markaana uu xoog ciidankooda ku saaray diyaaradoodii shalay rakaabka geystay Kismaayo, iyadoo si qasab ah looga dejiyey degmada Doolow.

Dhanka kale, wararka qaar ayaa sheegaya in hay’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka ay gaxaanday shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines, maadaama ay qabatay howl laga mamnuucay shirkadaha diyaaradaha ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horaantii bishan shirkadaha diyaaradaha ku amartay in shaqo aan la ogeyn aysan ka qaba karin Jubbaland iyo in labo magaalo oo Jubbaland katirsan aysan u kala gooshi karin, iyagoo aan soo marin Muqdisho, si loo hubiyo waxa ay sidaan.

Diyaaradda ay shalay afduubatay Jubbaland ayaa Kismaayo ka qaaday ciidan gurmad ah iyo masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxayna ka dejisay Doolow oo dagaal ka socday.

Diyaaradii ayaa dib ugu laabatay Kismaayo, waxayna Muqdisho ka soo dejisay rakaab muddo ku xayirnaa garoonka Kismaayo, dowladda federaalka oo sugeysay ayaa la sheegay in ganaaxooda ay farta ka saartay maamulka shirkadaas, in kastoo aan weli saxaafadda loo soo bandhigin ganaaxsaas iyo waxa uu yahay walow uu haatan wadahadal usocdo maamulka shirkadda iyo DF.

DF ayaa dhankeeda mar ay ka hadashay wixii shalay ka dhacay Doolow, ayaa ciidamada Itoobiya ku eedeysay inay u bareereen inay la dagaalamaan oo ay laayaan ciidankii qaranka Soomaaliyeed ee saldhigyada ku lahaa Doolow.

Saddex askari ayaa shalay ciidanka dowladda looga dilay Doolow, ilaa 7 kale ayaa dhaawacooda la dhigay isbitaalka, halka ciidan kale ay isku dhiibeen ciidamo taabacsan Jubbaland iyo kuwii Itoobiya.

Sarkaalkii hoggaaminayey Ciidanka NISA ee Doolow u jooga DF oo magaciisa lagu sheegay Shiiqaalow oo wata ciidan xoogleh ayaa weli dhinac ka jooga Doolow, kuwaas oo dagaalamaya, balse goobjoogayaal ku sugan Doolow ayaa xaqiijinaya in la go’doomiyey ciidankaas.

Ugudambeyntii, Ciidamo gurmad ah oo ka tirsan DF oo ka baxay Beledxaawo oo 40 KM u jirta Doolow oo watay ugu yaraan labo gaari oo nooca dagaalka ah ayaa lagu laayey jidka dhexe, waxaana la garan waayey waxa loo adeegsaday in kastoo Jubbaland ay sheegtay in Shabaab miino u dhigeen, hadana waxaa larumeysan yahay in ciidamada Itoobiya ay madaafiic la beegsadeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News