Garoowe (KAAB TV) – 21 October sanadkii 1969-kii Maanta oo kale waxa ay ku beegneyd malintii xukun dalka la wareegay AUN Maxamed Siyaad Barre xiligaas oo ay xasarad siyaasadeed oo ad ukacsan ay kajirtay gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
koox ciidanka xoogga ah oo uu hoggaaminayo Jaale Maxamed Siyaad Barre ayaa af-gembi lama filaan ah ku qabsaday awooda wadanka ayaga oo hal habeen ku qabsadey magaalo madaxda Muqdisho, halkaasi ooy kaga dhawaaqeen dowladii Kacaankii umadda Soomaaliyeed. Siyaad Barre wuxu wadanka u hor kacay horumar degdeg ah oo muuqda, ayadoo si iskaa-wax-u-qabso ah loo dhisey wadooyinka, dugsiyada, xarumaha bulshada, cusbitaalada IWM.
Haddaba, Kaab Somalitv ayaa wareysi gaar ah layeelatay mid kamid wasiiradii xiligaas lasoo shaqeeyay AUN Maxamed Siyaad Barre, kaas oo lagu magacaabo wasiir Gaashaan.