SO | EN

SO | EN

Midnimo la’aanta bulshada rayidka Soomaaliyeed iyo saameynta mustaqbalka

|

GAROWE (CODKA BULSHADA) – Bulshada rayidka Soomaaliya waxay door muuqda ku lahayd marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa lagu tilmaamay in awooddii iyo midnimadii kooxaha bulshada rayidka ay sii wiiqmeen, iyadoo isku duubnidii dhexdiisa meesha ka baxday.

Caqabadaha dhinaca amniga, caburinta kaga imaanaysa dhinacyo kala duwan, iyo hoos u dhaca maalgelinta dhaqdhaqaaqyada bulshada rayidka ayaa si weyn u saameeyay awoodda iyo firfircoonida ururrada bulshada rayidka.

Barnaamijka Codka Bulshada ee SJS ayaa wareysi la yeeshay Maxamed Cabdirisaaq Ciise, oo ka tirsan hoggaanka dalladda daneeyayaasha bulshada rayidka ee Puntland (PUNSAA).

Maxamed ayaa sheegay in ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ay u kala qeybsan yihiin Puntland, Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya.

“Maadaama aan dal mideysan jirin, isla markaana aysan jirin bulsho rayid ah oo cod mideysan ku hadli karta, waxaa noqotay in saddex qaybood loo kala baxo,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Isagoo ka hadlayay Puntland, wuxuu xusay in PUNSAA oo shaqeyneysay ku dhowaad toban sano ay qabatay hawlo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin difaaca saxaafadda, horumarinta dimuqraadiyadda iyo lagula xisaabtanka dowladda inaysan ku takri-falin awoodda.

Puntland ayaa sannadkii 2023 hirgelisay doorashooyinkii ugu horreeyay ee dowladaha hoose ee ku saleysan qof iyo cod.

In kasta oo dhallinyarada iyo haweenku ahaayeen cod-bixiyeyaashii ugu badan, haddana weli waxaa yaraa tirada haweenka iyo dhallinyarada ku guuleystay kuraasta la tartamay.

Arrintani waa hawl ay ururrada bulshada rayidka dareemayaan in ay weli u baahan tahay dadaal iyo horumar dheeraad ah.

Si kastaba, masuulkan ka tirsan PUNSAA ayaa hoosta ka xariiqay in marka la helo midnimo iyo wadajir dhex mara kooxaha bulshada rayidka, ay si weyn u kordhin karto kaalinta iyo saameynta bulshada rayidku ku leedahay dadka iyo dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News