SO | EN

SO | EN

Midowga Africa oo sheegay in howlgalka AUSOM ee Soomaaliya looheynin wax lacag

|

Kampala (KAAB TV) – Wasiiradda Difaaca iyo Arrimaha Dibadda ee dalalka Ciidamadda ay ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa ku kulmay Magaaladda Kampala ee dalka Uganda.

Sidoo kale, kulanka, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Taliyaasha Ciidamadda Difaaca iyo  la-hawlgalayaasha ay ka mid yihiin ururka Midowga Yurub, Urur gobaleedka IGAD iyo Maraykanka.

Dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa shirka ku ma talayay Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, C/rashiid Jabriil, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar Cali Balcad, la taliyaha Arrimaha difaaca Jihaan Xaaji Cabdullaahi Xasan Waambe, Gabadha uu dhalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Jihaan Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiiradda Soomaaliya ee dalka Uganda Safiirada Fardoowsa Maxamed Qanyare afrax.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Danjire Maxamuud Cali Yuusuf oo ka hadlaya Magaaladda Kampala ee ay ku shirayaan madaxda dalalka ay Ciidamadda ka joogaan dalka Soomaaliya, ayaa si cad u sheegay in aysan wax dhaqaalo ah u hayn Howl-galka cusub ee taageeridda Midowga Afrika ee AUSSOM ee dalka Soomaaliya.

Dowladda Faderaalka Soomaaliya, ayaa waqti iyo dadaal xooggan ku bixisay sidii dhaqaale loogu heli lahaa Howl-galka Kumeel gaarka ah ee AUSSOM ee Soomaaliya, balse Mareykanka oo ah qaaraan-bixiyaha ugu badan, ayaa si cad u diiday in uu wax dhaqaale ah ku bixinayo Howl-galkan AUSSOM ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa u safray Magaaladda Kampala ee dalka Uganda, si uu uga qayb galo shir madaxeedka TCC, halkaasoo ay Wadamadda ay Ciidamadda ka joogaan Soomaaliya ay ku leeyihiin doodo xasaasi ah oo ku saabsan wajiga xiga ee AUSSOM ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News