SO | EN

SO | EN

AU oo weysan dhaqaalaha howlgal cusub oo beddelaya ATMIS

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (AUPSC) ayaa ku baaqay in la helo dhaqaale ku filan, waara oo la saadaalin karo in lagu bixiyo howlgalka daba-galka ah ee dhawaan la dhisi doono kaddib markii uu ka baxo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

ATMIS ayaa la rajeynayaa inay dalka ka baxdo marka la gaaro bisha December ee sannadkan.

Balse dhowaan ayay dowladda federaalka Soomaaliya sheegtay inaysan awoodin la wareegidda amniga.

“AUPSC waxay soo dhawaynaysaa soo jeedinta dawladda Soomaaliya ee habaynta ammaanka ATMIS ka dib, waxayna tixgelinaysaa codsigii Soomaaliya ee ahaa hawlgal taageero nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaamiyo oo ay Qaramada Midoobay oggolaatay si loogu beddelo ATMIS laga bilaabo Janaayo 1, 2025,” ayaa lagu sheegay war kasoo baxay Midowga Afrika.

Dowlada Soomaaliya ayaa u muuqata inay wax natiijo ah ka keeni weysay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Waxaana, sida qorshuhu ahaa ugu dambeyn sannadka 2025 la helo ciidan Soomaali ah oo bedela kuwa Midowga Afrika, ay u muuqataa inaan la gaari karin hadda.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika AUPSC, oo ah hay’adda go’aan ka gaarista Midowga Afrika ee ka hortagga, maaraynta, iyo xallinta khilaafaadka, waxay ku celisay baahida loo qabo in la sii wado taageerada Soomaaliya iyadoo la dhisayo tayada ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

AUPSC ayaa sheegtay in tani ay ka caawin doonto dowladda Soomaaliya in ay dardargeliso abuuritaanka ciidamada iyo dadaallada isku dhafka ah ee lagu xaqiijinayo in si hufan loo qaato mas’uuliyadaha amniga ka dib markii si buuxda loo burburiyay ATMIS-ka si looga fogaado abuurista fawdo amni bisha Janaayo 2025.

AUPSC waxay ka codsatay guddiga Midowga Afrika inay sameeyaan qorshe dhammaystiran oo faahfaahsan oo ku salaysan xaaladda dhulka, oo ay ku jiraan samaynta qiimaynta khatarta ah iyadoo lala tashanayo Soomaaliya, ATMIS-ka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, iyo Qaramada Midoobay.

ATMIS-ku waxa uu Soomaaliya kala baxay 5,000 oo Askari, waxaana lagu wareejiyey 13 Saldhig oo Millateri oo lagu wareejiyey Hay’adaha Ammaanka Somalia, intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee soo afjarida 2023-ka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News