Muqdisho (KAAB TV) -Midowga Yurub ayaa kordhiyey muddada hawlgalka Atalanta iyo Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub (EUTM) ee Soomaaliya ilaa 28-ka Febraayo 2027.
Kordhinta oo lagu dhawaaqay bishii Disembar, ayaa sidoo kale waxaa ku jira Hawlgalka Kobcinta Awoodda Midowga Yurub (EUCAP Somalia). Waxay daba socotaa dib-u-eegis lagu xoojinayo jawaabta EU-da ee caqabadaha amniga ee soo baxaya ee mid ka mid ah gobollada ugu muhiimsan juquraafi ahaan adduunka.
Midowga Yurub ayaa sheegay in howlgalka Atalanta uu sii wadi doono howlgalka lagula dagaalamayo burcad badeeda iyo carqaladeynta dhaq dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ka socda xeebaha Soomaaliya, gacanka cadmeed iyo badda cas.
Howlgalka ayaa lagu xoojin doonaa wadashaqeynta kala dhaxeysa howlgalka Aspides, kaasoo ilaaliya maraakiibta ganacsiga ee mara badda cas.
Xarunta Amniga Badaha ee Geeska Afrika (MSC-HOA) ayaa isku duwda hawlgallada badda waxaana loo magacaabi doonaa Xarunta Badbaadada Badaha ee Badweynta Hindiya si ay u muujiso doorkeeda la ballaariyay.
Hawlgalka Atlanta waxa uu socday ilaa 2008.
Dhinaca dhulka, EUTM Somalia waxay sheegtay inay siin doonto la-talin istaraatiiji ah iyo tababaro ay siinayso ciidamada ammaanka Soomaaliya, halka EUCAP Somalia ay ka caawin doonto ilaalinta sharciga badda iyo booliiska.
Marka loo eego Xarunta Nabadda ee Yurub, ciidamada Soomaaliya waxay sii wadi doonaan helista qalabka uu maalgeliyo Midowga Yurub iyo taageerada saadka. Ergada Midowga Yurub waxay sidoo kale la kaashan doonaan Jabuuti.
Dib u eegista soo socota ee joogitaanka Midowga Yurub ee gobolka ayaa la filayaa ka hor inta aysan dhicin waajibaadka cusub ee 2027.