SO | EN

SO | EN

Jubbaland oo Xorriyaddiisa Dib ugu Soo Celisay Senator Ilyaas Gaboose

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Maamulka Jubbaland ayaa xorriyaddiisa dib ugu soo celisay Senator Ilyaas Bedel Gaboose, kaddib markii uu muddo ku dhow hal sano iyo afar bilood u xirnaa maamulka uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Saacado kaddib sii dayntiisa, Madaxweynaha Jubbaland ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay Senator Ilyaas Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi, Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada, nabadda iyo danta guud ee shacabka Jubbaland.

Qoraal uu Madaxweyne Axmed Madoobe ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in dhinacyadu isla qaateen in danta guud, nabadda iyo midnimada dadka Jubbaland ay ka sarreeyaan khilaaf kasta oo siyaasadeed, Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in maamulka Jubbaland uu diyaar u yahay tanaasul ballaaran si loo xaqiijiyo wadajir buuxa iyo xasillooni waarta.

“Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta siyaasadeed lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka reer Jubbaland,” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Senator Ilyaas Gaboose ayaa la xiray sanadkii 2024, kaddib markii koox mucaarad ah oo ka soo horjeeday Madaxweyne Axmed Madoobe ay doorasho ay ku qabteen Kismaayo ugu doorteen inuu noqdo madaxweynaha Jubbaland, arrintaas oo si weyn u sii xumeysay khilaafka u dhexeeyay Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sii daynta Senator Gaboose ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo muhiim ah, isla markaana qayb ka ah dadaallo lagu doonayo in lagu dhiso isfaham cusub oo u dhexeeya dhinacyada siyaasadda Jubbaland, si loo mideeyo mowqifka siyaasiyiinta deegaanka loogana gudbo khilaafaadkii soo jiitamayay

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News