Midowga Yurub oo si lama filaan u bedeshay danjiraheedii Soomaaliya

|

Midowga Yurub (EU) ayaa si lama filaan ah u beddelay danjirihoodii Soomaaliya, Francesca Di Mauro, iyadoo aan weli sanad buuxa laga joogin markii loo magacaabay xilkaas, arrin dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan waxa sababay wareejinteeda iyo xilliga ay ku soo beegantay.

Francesca Di Mauro ayaa hadda loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Afrika ee Midowga Yurub, taasoo ah xil sare oo ka tirsan hay’adaha diblomaasiyadda EU-da.

“Waxay ii tahay sharaf in la ii magacaabay xilka agaasimaha waaxda Afrika,” ayey ku qortay barteeda X Francesca Di Mauro oo intaasi ku dartay inay ku dhalatay, kuna soo kortay gudaha qaaradda Afrika.

Si kastaba ha ahaatee, wareejinteeda ayaa timid wax ka yar 10 bilood kadib markii bishii September 2025 loo soo magacaabay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Caadi ahaan, safiirrada Midowga Yurub ee dalalka ay ka hawlgalaan waxay xilka joogaan ugu yaraan saddex sano, mararka qaarkoodna waxay gaaraan shan sano, taasoo ka dhigaysa in wareejintan degdegga ahi noqoto mid aan caadi ahayn.

Francesca Di Mauro, oo u dhalatay Talyaaniga isla markaana ku dhalatay qaaradda Afrika, waxay hore uga soo shaqeysay dalal dhowr ah oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Côte d’Ivoire (Ivory Coast). Waxay caan ku ahayd diblomaasiyad ku saleysan ilaalinta mabaadi’da dimuqraadiyadda, dowlad-wanaagga iyo xuquuqda aadanaha.

Khilaafkii Villa Soomaaliya

Muddo kooban kadib markii ay timid Muqdisho, waxaa soo baxay khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeyay Villa Soomaaliya iyo Safiirka Midowga Yurub.

Bishii May 17keeda, 2026, Francesca Di Mauro ayaa qoraal ay ku baahisay barta X (Twitter), ku sheegtay inay la kulantay Xasan Sheekh Maxamuud laboi maalin ka bacdi markii uu dhammaaday muddo xileedkiisii rasmiga ahaa oo ku ekaa 15 May 2026. Safiirka ayaa qoraalkeeda ku xustay Xasan Sheekh Maxamuud magaciisa oo keliya, kana tagtay ereyga “Madaxweyne”.

Tallaabadaas ayaa Villa Soomaaliya u fasirtay fariin siyaasadeed oo muujinaysa in Midowga Yurub uusan aqoonsanayn sheegashada Xasan Sheekh ee sii haysashada xilka madaxtinnimada.

Wararka diblomaasiyadeed ayaa sheegay in maamulka Muqdisho uu caro xooggan ka muujiyay arrintaas, isla markaana waraaqo cabasho ah u diray xarunta Midowga Yurub ee Brussels, isagoo ku eedeeyay safiirka inay jebisay hab-maamuuskii diblomaasiyadda.

Khilaafkaas ayaa noqday mid si weyn looga hadal hayo gudaha Soomaaliya iyo xarumaha diblomaasiyadda caalamiga ah.

Xiisadda Dastuuriga ah iyo Muddada Xasan Sheekh

Wareejinta safiirka ayaa sidoo kale ku soo beegantay xilli Soomaaliya ay wajahaysay mid ka mid ah qalalaasaha siyaasadeed ee ugu waaweyn tan iyo doorashadii 2022.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaaday 15-kii May 2026, hase yeeshee doorasho cusub laguma qaban waqtigii loogu talagalay.

Mucaaradka, siyaasiyiin hore, ururrada bulshada rayidka ah iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada ayaa ku doodaya in wixii ka dambeeyay taariikhdaas uusan jirin saldhig sharci iyo mid dastuuri ah oo u oggolaanaya inuu sii hayo xilka.

Dhanka kale, Villa Soomaaliya waxay ku doodaysaa in dowladda ay sii wadi karto maamulka ilaa laga qabanayo doorasho, inkastoo mowqifkaas uu si weyn u muran geliyay sharciyaqaanno iyo daneeyayaasha siyaasadda.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay kadib markii dowladda federaalka ay ku adkaysatay hirgelinta nidaamka codbixinta qof iyo cod, iyadoo aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay. Mucaaradku waxay ku eedeeyeen dowladda inay adeegsanayso qorshaha doorashada si loogu dheereeyo sii joogitaanka Xasan Sheekh ee xafiiska.

Arrintan ayaa sababtay in xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah uu noqdo mid aad u xasaasi ah, iyadoo beesha caalamka ay ku celcelisay baaqyo ku saabsan in xal kasta lagu gaaro wadahadal, heshiis siyaasadeed iyo ixtiraamka dastuurka.

Xayiraadda Baasaboorka Soomaaliga

Xiisadaha ayaa sii kordhay markii Midowga Yurub uu qaaday tallaabooyin lagu adkeeyay bixinta fiisooyinka dadka sita baasaboorka Soomaaliya.

Go’aankaas ayaa saameyn ku yeeshay codsadayaasha fiisaha Schengen, waxaana loo fasirtay inuu yahay fariin muujinaysa walaaca Midowga Yurub ee ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee cakiran, maamulka iyo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

Inkastoo Midowga Yurub uusan si rasmi ah ugu xiriirin go’aankaas khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho, haddana isku soo beeganka dhacdooyinkan ayaa sii xoojiyay mala-awaalka ku saabsan inuu jiro qabow diblomaasiyadeed oo u dhexeeya Brussels iyo Villa Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, isbeddelkan ayaa ku soo aadaya xilli Soomaaliya ay ku jirto xaalad siyaasadeed oo aad u murugsan, iyadoo ay taagan yihiin doodaha ku saabsan sharciyadda hoggaanka dalka, muranka doorashooyinka, iyo xiriirka sii xumaanaya ee dowladda federaalka la leedahay qaar ka mid ah saaxiibbada caalamiga ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News