GAROWE (Kaab TV) – Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa sheegay in dakhliga sannadkaan u soo xarootay Puntland dakhliga gudaha wuxuu dhan yahay USD 98, 809, 207, iyadoo is-dhinku dhan yahay USD 17,627.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa Xisaab-xirka ku wareejisay Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadkaee Golaha Wakiilada Puntland.
Guddiga ayaa la filayaa inay ku samayn doonaan akhrinta labaad xisaabxirka. Waxaa la filayaa inay Golaha dib ugu soo celiyaan 29-ka Luulyo 2025, si dood iyo go’aan rasmi ah loogu gaaro.

