SO | EN

SO | EN

Milateriga Ruushka oo soo riday diyaarad nooca dagaalka oo Mareykanka leeyahay

|

Moscow (KAAB TV) – Milatariga dalka Ruushka, ayaa shalay ku guuleestay in ay soo ridaan diyaarada nuuca dagaalka ee F-16, diyaaradan oo Mareykanka sameeyay ayey ku taageereen milatariga dalka Ukraine, si ay ugu adeegsdaaan dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Sidoo kale, Warbaahinta caalamka qaarkood ayaa ku warramay in ciidamada Ruushka soo rideen diyaarada F-16  nidaamka difaaca S-400 ama gantaalka R-37, waxa ayna soo riditaanka diyaaradan niyadjab xooggan ku tahay Mareykanka iyo Ukraine.

Dhanka kale, diyaaradan lasoo riday, ayaa la xaqiijiyay in uu  ku dhintay duuliyihii diyaaradda waday oo Pavel Ivanov oo 26 jir ahaa, mana jiro faahfaahino badan oo milatariga dalka Ukraine ka bixiyay diyaaradan lasoo riday iyo sida ay u dhacday .

Sikastaba, Milatariga Ruushka, ayaa horey u sheegay im ay soo rideen diyaarad kale oo nuuca F-16, waxaana diyaaradan shalay ay soo rideen noqoneysa tii labaad diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F-16 oo lagu soo rido gudaha dalka Ukraine.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News