MUQDISHO (Kaab TV) – Waxaa shalay warqad amar hor imaansho maxkamadeed ah loo jaray Hanti-Dhowraha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale, oo tan iyo bishii Febraayo 2023 ahaa hayay xilka.
Warqad shalay [Sabtidii] kasoo baxday Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu eedeeyay Axmed Guutaale eedeymo culus oo ay ka mid yihiin lunsi hanti, ku takrifal awoodda xafiiska iyo horistaagis caddaaladda.
Maxkamadda ayaa ku amaryay Axmed Guutaale inuu ku horyimaado muddo 24 saac ah.
Hase yeeshee Axmed Guutaale oo shir saxaafadeed deg deg ah ku qabtay Muqdisho ayaa dhankiisa eedeymo culus u jeediyay garsoorka oo ku sifeeyay kuwo ku lug leh musuqmaasuq ba’an.
Haddaba, waxaa hadda soo baxaya sida uu Axmed Guutaale u beegsan jiray qaar ka mid ah shaqaalaha xafiiskiisa, kuwaasi oo hor istaagay arrimo handadaad iyo baad dalbasho ah oo uu Guutaale ku hayay hay’adaha kala duwan ee dowlada.
Kiiska Sakariye Sayid Maxamed
Dhammaadkii Janaayo 2025, Axmed Guutaale wuxuu beegsi ku sameeyay Sakariye Sayid Maxamed (sawirka 1aad), oo ahaa Agaasimihii Waaxda Tayo Dhowrka ee Xafiiska Hanti-Dhowrka.

Sakariye waxaa lagu sameeyay shaqo joojin, waxaana si xoog ah loola wareegay emailkiisii shaqada ee Xafiiska, taasoo Guutaale uu la kaashaday Mustaf Yaasiin oo ka tirsan Hay’adda Isgaarsiinta. Beegsiga Sakariye wuxuu salka ku hayay baaritaan uu u diray Xafiiska Shaqaalaha Rayidka oo uu madax ka yahay Abshirow. Nasiib darro, Sakariye oo waajibaadkiisa gudanaya ayaa isagu noqday dhibbane.
Arrinta yaabka leh ee la ogaaday ayaa ah in emailkii .gov.so ee uu shaqada u adeegsan jiray Sakariye la joojiyay, xogtiina la tirtiray si loo qariyo qoraalladii uu u diray Guddiga Shaqaalaha Rayidka.
Axmed Guutaale iyo Mustaf Yaasiin, oo ka mid ah haraadiga Mahad Salaad, ayaa si wadajir ah u dhibaateeya dhalinyarada sida daacadda ah uga shaqeysa xarumaha dowladda.
Kiiskii Cabdale Maxamed
Bishii Agoosto 2023, Cabdale Maxamed, mid ka mid ah hawl-wadeenadii ugu cad-cadaa Xafiiska Hanti-dhowrka Guud, ayaa Ummadda Soomaaliyeed la wadaagay gafafka, hagardaamooyinka, khaladaadka, iyo khiyaanada Qaran ee uu ku kacay Hanti-dhawraha Guud, Axmed Guutaale, intii uu xilka hayay.
Eedeymaha la soo bandhigay waxaa ka mid ahaa:
Farogelinta Hidise-sharciyeedka XHGQ – Hanti-dhawraha Guud wuxuu amray wax ka beddelka Hidise-sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka (XHGQ), kaasoo ay horey u ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaankii 10-aad.
Beddelkaasi ma lahayn saldhig sharci iyo mid maamul, waxaana lagu saleeyay dano siyaasadeed iyo kuwo shaqsiyeed oo ka fog danaha Qaranka.
Isbeddelka natiijooyinka baaritaannada XHGQ – Hanti-dhawraha Guud wuxuu si gaar ah wax uga beddelay natiijada baaritaannada XHGQ, gaar ahaan warbixinta maaliyadeed (Financial Audit Report).
Natiijadii saxda ahayd ee warbixinta, oo ahayd Disclaimer ama Adverse Opinion (oo muujinaysa khaladaad culus), ayuu ka dhigay Qualified Opinion, si uu u ilaaliyo dano shaqsiyeed, saaxiibtinimo, iyo mid kooxeed.
Cuuryaaminta hannaanka baarista XHGQ – Wuxuu amray bilowga iyo fulinta baaritaanno gaar ah oo aan loo marin hannaan hufan oo qorshaysan, isla markaana aan waafaqsanayn heerarka baarista.
Ishortaagga baaritaannada qorshaysan – Wuxuu si cad u hor istaagay fulinta baaritaanno ku jiray Qorshaha Baaritaannada ee Sannadka 2023, maadaama baaritaannadan ay iftiimin lahaayeen arrimo dhaawici kara dano shaqsiyeed iyo kuwo kooxeed.
Arrimahan ayaa sabab u noqday in Cabdale Maxamed xilka laga qaado.
Hase ahaatee waxaa warqad uu soo saaray sharci darro ku tilmaanay agaasime kale oo ka tirsan Hanti-Dhowrka, Saadaq Axmed Cabdulle, kaasoo sidoo kale xilka laga xayuubiyay, lana xiray emailkiisii shaqada.
Kiiska Xafso Cabduqaadir Cali
Bishii Luulyo 2024, Hanti-dhawre Axmed Guutaale wuxuu shaqo joojin iyo halis gelin amni ku sameeyay Xafso Cabduqaadir Cali, oo ka tirsan shaqaalaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.
Arrintan ayaa ka dhalatay muran shaqsiyeed oo ka dhashay guurka Xafso, kadib markii ay guursatay wiil horey u qabay mid ka mid ah xaasaska Axmed Guutaale. Tani waxay keentay in Xafso si gaar ah loo beegsado.

Si loo xoojiyo beegsiga, waxaa loo ekeysiiyay in kiiskeedu la xiriiray arrimo amni, isagoo loo dhigay mid la xiriira baaritaan argagixiso. Tani waxay ahayd mid halis gelin karta nolosheeda, maadaama Xafiiska Hanti-dhowrka Guud uu ku dhex yaallo Madaxtooyada.
Dhowr maalmood oo ay shaqada ka maqneyd kadib, Xafso waxaa dib loogu soo celiyay shaqada.
Muranka u Dhaxeeya Guutaale iyo Wasaaradda Maaliyadda
Dukumentiyo aan helnay, oo horey ay u baahisay Kaab TV, ayaa muujinaya in khilaaf xoogan uu bishii November 2023 dhexmaray Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka, Biixi Imaan Cige, iyo Hanti-dhowre Guud Axmed Guutaale.
Khilaafkan ayaa ka dhashay kadib markii Guutaale uu soo rogay baad dhan 5%, taasoo uu ka rabay qof kasta oo lacag ka dalbanaya Bangiga Dhexe.
Tallaabadan ayaa si weyn u carqaladaysay dhammaan hawlihii maaliyadeed ee dowladda, taasoo keentay jahawareer iyo hakad ku yimid nidaamka maaliyadeed.
Arrintan ayaa sababtay in Xisaabiyaha Guud uu warqad dacwo ah u diro Garyaqaanka Guud. Kadib, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa soo saaray wareegto rasmi ah, taasoo lagu amray in dhammaan warqadaha lacag-dalabka ee dowladda laga saaro saxiixa Hanti-dhowrka Guud.
Wareegtadan ayaa qeexday in doorka Hanti-dhowrka uu xadidan yahay, lagana baahan yahay oo keliya marka la gaaro xisaab-celinta miisaaniyadda.
Shaqaalaysiin Sharci-darro ah oo Ka Dhacday Xafiiska Hanti-Dhowrka
Bishii July 2024, waxaa soo baxay liis ay ku qoran yihiin 20 qof oo loo magacaabay shaqaale cusub, kuwaasoo si sharciga baal marsan loogu soo daray Xafiiska Hanti-Dhowrka. Xogtaan oo ay Kaab TV u xaqiijiyeen ilo ka tirsan xafiiska, ayaa muujineysa in shaqaalahan cusub lagu beddelay dhallinyaro muddo dheer u soo shaqeyneysay dowladda.
Qaar badan oo ka mid ah shaqaalaha la beegsaday ayaa shaqadooda ku waayay arrimo la xiriira qabyaalad, halka kuwa kalena ay sabab u noqotay diidistooda inay u hoggaansamaan amarro sharci-darro ah oo uu bixiyay Hanti-dhowre Guud Axmed Guutaale.

Shaqaalahan la eryay ayaa la sheegay inay ka hor yimaadeen tallaabooyin uu qaaday Guutaale, kuwaasoo aan waafaqsaneyn xeerarka shaqada dowladda.
Dalacsiin Sharci-darro ah oo Ka Dhacday Xafiiska Hanti-Dhowrka
Hawl-wadeennada waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xafiiska Hanti-Dhowrka iyo ilo ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa su’aal geliyay dalacsiinta shan ruux oo uu bishii February 2024 sameeyay Hanti-dhowre Axmed Guutaale, sida ku cad dukuminti uu heley Kaab TV.
Xogaha la helay ayaa muujinaya in dhammaan shaqaalaha la dalacsiiyay ay yihiin qaraabo dhow la ah Guutaale, taasoo dhalisay eedeymo la xiriira musuqmaasuq iyo eex.
Ilo ka tirsan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa sheegay in habraacyada sharci ee loo marayo dalacsiinta aan la raacin, taasoo sii xoojisay shakiga laga qabo nidaamka maamul ee Xafiiska Hanti-Dhowrka.