Aadan Yabaal (KAAB TV) -Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Macawiisleeyda reer Hiiraan ayaa wada dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan iney Al-shabaab kaga xureeyaan degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhaqdhaqaaqyada ciidan ayaa si xoog leh looga dareenaya deegaanada hoostaga magaalada Aadan Yabaal oo mudooyinkii lasoo dhaafay ku jirta gacanta kooxda Al-shabaab.
Agaasimaha Hay’adda NISA iyo Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa wada abaabulka ciidamada is kaashanaya ku doonayaan iney markale dib ugala wareegaan Al-shabaab magaalada muhiimka ah ee Aadan Yabaal.
“Waxaan furimaha hore ee dagaalka degmada Aadan-yabaal ku booqanay ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka. Waxaan ku bogaadinay halganka naf-hurnimada leh ee ay ugu jiraan difaaca dalka, iyaga iyo shacabka deegaanka” ayuu yiri Taliye Sahal Cabdullaahi Cumar.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa faray saraakiisha cidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka xoojinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Dhaqdhaqaaqyadaan ciidan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in si deg deg ah looga xureyn doono Al-shabaab guud ahaan deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe.