SO | EN

SO | EN

Militeriga Soomaaliya iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka wada gobolka Hiiraan

|

ABOOREEY (KAAB TV) -iliteriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ka dhan ah AS ka sameeyay inta u dhaxeysa magaalooyinka Aboorey iyo Yasooman ee gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay howlgallada ay sameeyeen ka dib markii ay ka war heleen xubno ka tirsan AS oo ku sugan deegaannada u dhaxeeya Aboorey iyo Yasooman.

Sidoo kale, saraakiisha ayaa tilmaamay in ay tageen goobihii ay hore ugu sugnaayeen AS, halkaasi oo ay ka sameeyeen miino baaris.

Ugu dambeyn, Saraakiisha Militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlgallada maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen deegaannada gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News