MUQDISHO (KAAB TV) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku adkeysanaya inuu weli sidiisa u taagan yahay mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.
Shalay ayuu guddoomiye Aadan Madoobe soo saaray warqad uu kaga laabanaayo go’aan uu horey baarlamaanka uga saaray xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib oo ka mid ah mucaaradka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Inkastoo Aadan Madoobe uu go’aanka ceyrinta xildhibaan Abiib ka laabtay, wuxuu sheegay inuu arrinta xildhibaan Abiib u xilsaaray guddiga anshaxa iyo xeer hoosaadka ee baarlamaanka inay kasoo tala bixiyaan.
Arrintan ayaa ka dhigan in xildhibaan Abiib oo kasoo jeeda gobolka Awdal uu xilkiisa baarlamaanka sii wadan doono.
Xildhibaanada mucaaradka ayaa diyaariyay mooshin ay ku doonayaan inay xilka ka xayuubiyaan Guddoomiye Aadan Madoobr.
Waxayna xildhibaanada ku eedeeyeen guddoomiyaha ku tumasho Dastuurka dalka, shuruucda Baarlamaanka iyo inuu si shakhsi ah u beegsaday xildhibaan Abiib oo dalka dibadiisa ku maqan.
Hase ahaatee hadda xildhibaanada waxay ku doodayaan in mooshinkooda ka dhanka ah guddoomiye Aadan Madoobe uu weli sidiisii yahay.
Baarlamaanka oo saaka oo Arbaco ah dib u furmay ayaa ku furmay dagaal gacan qaad ah oo dhexmaray mudanayaasha mucaaradka iyo qaar muxaafid ah.
Waxaana socon waayay kulanka maanta.
Waa markii labaad oo toddobaad ka badan uu furmi la’ yahay baarlamaanka.