SO | EN

SO | EN

Mucaarad Puntland oo ganafka ku dhuftay wareegto uu soo saaray Saciid Cabdullah Deni

|

Garoowe (KAAB ) Guddoomiyihii hore ee guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa sheegay in aanay suuragal ahayn waqtiga uu madaxweynaha maamulkaasi Siciid Cabdullahi Deni u asteeyay inay ku dhacdo doorashada golayaasha deegaanka ee qof iyo codka ah.

Guuleed Saalax Barre, oo haatan kamid ah mucaaradka madaxweyne Deni ayaa intaasi ku daray in wax badan ay ka dhiman yihiin hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashada.

‘’Dhaqanka Madaxweyne Deni waxaan ka baranay inuusan sharci xurmayn, waxa kali ah ee uu ka shaqeeyaana ay tahay damaciisa xukundoon ka ah iyo u adeegsiga awoodaha iyo dhaqaalaha Puntland si aan waafaqsanayn xeerarka Puntland u dagsan’’ ayuu yiri Guuleed Saalax

Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii wareegto madaxweyne Saciid Deni uu shalay soo saaray ku sheegay in 25-ka May ay dhici doonto doorashada golayaasha deegaannada Puntland, taas oo ay hore u qaadaceen qaar kamid ah ururrada mucaaradka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News