SO | EN

SO | EN

Mucaaradka iyo xukuumadda Somaliland oo go’aan ka gaaray xaaladda Laascaanood

|

Hargeysa (Kaab TV) Xukuumadda Somaliland iyo labada xisbi ee mucaaradka ayaa maanta gaaray heshiis cusub, xilli maalmihii dambe ay ku kala aragti duwanaayeen xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood.

Kulan maanta ay ku yeesheen Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay dhinacyadu iskula qaateen in arrinta Laascaanood si nabada lagu dhameeyo, islamarkaana laga fogaado wixii colaadda sii hurinaya.

Shir Qaran oo maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL oo uu shir-guddoominayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayeen madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, guddoomiyeyaasha labada xisbi ee mucaaradka ee Ucid iyo Wadani ayaa waxa lagu go’aamiyay in arrimaha Qaranka si wada-jira loo wajaho lagana wada tashado,” ayaa lagu yiri qoraal lagu shaaciyay go’aamada kasoo baxay kulankaan.

Sidoo kale waxaa kulanka maanta ay yeesheen mucaaradka iyo xukuumadda is-afgarad looga gaaray khilaafka doorashada, kaasi oo loo xil-saaray saddex xubnood oo xisbi walba laga soo xulay, si loo sii amba-qaado kulan heshiis kama dambeys ah looga gaarayo arrintaan.

Saddexda Xisbi Qaran waxay soo dhaweeyeen, taageersan yihiina xabad joojinta xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku dhawaaqday, dhinaca kalena waxay ugu baaqeen inay aqbalaan xabad joojinta.”

Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaanka labada xisbi mucaaradka ayaa waxa kale oo ay isla qaateen in loo gurmado dadka ka barakacay magaalada Laascaanood, sida ugu dhaqsiyaha badana kaalmo loo gaarsiiyo.

Xukuumadda Somaliland ayaa xalay ku dhawaaqday xabad joojin bilaa shuruud ah, ayada oo sheegtay in go’aankan ay u qaadatay si waxkasta oo jira xal looga gaaro miiska wada-hadalka.

“Mowqifka dowladda ay ka gaartay (xiisada taagan) waa in ay Somaliland ku baaqdo xabad joojin bilaa shuruud ah, kuna dhawaaqdo dhankooda. Xoogaga dhanka kale ka wada waxaa ka rajeynayna sidaas si lamid ah, ayuu yiri wasiirka warfaafinta Somaliland.

Xukuumadda Somaliland ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay inay aad uga xun tahay mashaqada ka dhacday Laascaanood, iyaga oo ka tacsiyadeeyay dadkii ku naf waayey dagaalka oo socday shan maalmood oo xiriir ah.

Somaliland waxay diyaar u tahay inay miiska wada-hadalka timaado oo xabada joojiso, walaaleheena waxaa ka filayna inay go’aamadan kuwa lamid ah qaatan oo xabada bilaa shuruud ku joojiyaan.”

Xabad joojinta ay xalay ku dhawaaqday Somaliland ayaa la ogeyn sida ay u dhaqan-geli doonto, maadama Isimida ku sugan Laascaanood ay laba shardi ku xireen arrintaan.

Arrimahan ayaa imanaya, ayada oo dagaal culus oo markale saaka dib uga qarxay Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo xoogiisa uu haatan ka socdo duleeda magaaladaas, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin milatariga Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News