MUQDISHO (KAAB TV) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Jubbaland ayaa maanta shir ku qabsaday magaalada Muqdisho, waxayna kasoo saareen baaq ku saabsan doorashada Jubbaland.
Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa u soo jeediyay Axmed Madoobe oo ah madaxweynaha maamulka Jubbaland inuu kursiga banneeyo, isla markaana ogolaado in doorasho xor ah ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.