SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Kenya oo dib u billaabaya dibadbaxyada dowladda looga soo horjeedo

|

Nairobi (Kaab TV) –Isbaheysiga mucaaradka Kenya ee Azimio ayaa sheegay in ay maanta dib u billaabayaan mudaaharaadyada ka dhacaya magaalada Nairobi ee ay kaga cabanayaan qiimaha maciishada iyo wax isdaba marin la sheegay in lagu sameeyay doorashadii madaxtinimo ee sanadkii hore.

Hoggaamiyaha Azimio ahna R/wasaarihii hore ee Raila Odinga ayaa waxaa si dirqi ah kaga guuleystay Madaxweyne William Ruto doorashadii dhacday Agoosto sanadkii hore.

Odinga ayaa hakiyay mudaaharaadyada saddex toddobaad ka hor kadib markii madaxweyne Ruto uu ka dhawaajiyay in wadahadal lala yeesho mucaaradka.

Odinga ayaa hadda dowladda ku eedeeyay in eysan dhab ka aheyn wadahadallada.

Booliiska dalka Kenya ayaa sheegay in eysan oggolaan doonin dibadbaxyada cusub iyaga oo ku sababeeyay rabshado ka dhacay mudaaharaadyo hore oo ay ku dhinteen saddex qof, goobo ganacsina la burburiyay.

Odinga ayaa sheegay 1-dii may in “Booliska aysan horay u go’aansan karin in rabshado dhacaan ka dibna ay sii wadaan joojinta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dastuurku ilaalinayo”.

Taasi waa sameyn kali talisnimo ah Waxay cadeyneysaa in labaal maraayo dastuurka Waan iska caabineynaa ayuu yiri Odinga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News