Garoowe (KAAB) Magaalada Garoowe ee Puntland maanta oo sabti ah waxaa kulan ku yeeshay xubno ka mid ah mucaaradka maamulka Puntland kuwaas oo ka hadlay guddiyada uu magacaabay Saciid Deni
Waxa ay kulankooda ka sheegeen in aysan diyaar u ahayn in ay soo dhaweeyaan Guddiyada khilaafka iyo amniga ee doorashada madaxtinimada maamul goboleedka Puntland.
Waxa ay ku eedeyeen xubnahan Saciid Deni inuu soo xushay xubno isku bah ay yihiin oo aysan dhax dhaxaad ka ahayn doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo Puntland.
” madaxweyne caqligaada dib ha usoo laabto waqti yar oo ciriiri ah ayaa kuusoo haray.” ayuu yiri Wasiiru dowlihii hore ee Maaliyada Soomaaliya Maxamuud Xayir
Sidoo kale waxaa isla kulanka hadal ka jeediyay Asad Diano oo ka mid musharaxiinta , madaxtinimada Puntland waxa uu yiri.
” Madaxweyne Deni wuxuu ka shaqeynayaa wax sharci darro ah, si hoose ayuu ula xiriiriyaa Odayaasha dhaqanka.”
Si kastaba siyaasiinta Puntland ee dhaliilsan Saciid Deni ayaa gabi ahaanba diiday guddiyada uu soo magacaabay taas oo ay sheegeen in ay yihiin kuwa dhinac u jaranjaara.