SO | EN

SO | EN

Mucaaradka Soomaaliland oo diiday qorshaha odayaasha Hawiye

|

Hargeysa (Kaab TV) –Hoggaamiyaha xisbiga muraacadka ee UCID ee Soomaaliland Feysal Cali Waraabe ayaa si cad uqeexay in aysan ku kalsoonayn odayaasha dhaqanka ee ka socda koonfurta Soomaaliya ee dhawaan gaaray magaalada Hargeysa.

Feysal Cali Waraabe ayaa yiri qiimaheena magaranayaan qoladaani, waan dhageysanay Waxa ay wadaan waa qolo kasoo degtay Garoowe hadana Hargeysa kasoo degay kuma Kalsoonin ee hanoqdaan ceeb u geysan meyno, lakiin kuma kalsoonin ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Odayaashaan ayaa maalmo kahor gaaray magaalada Hargeysa oo ay utageen dhex-dhexaadinta dhinacyada kudagaallamaya Laascaanood kuwaas oo kala ah Soomaaliland iyo SSC.

Kooxdaan waxa ay wadataa dan gaar ah, waxa ay kuhor mareen Puntland in lasoo daayo ma aheyn loomana baahna arrintaan waxay utaalaa Soomaaliland ayuu yiri Feysal Cali Waraabe oo lahadlay BBC-da.

Odayaashaas waxaa hoggaaminaya Ugaaska guud ee beelaha mudollood ugaas Maxamuud Cali waxaana si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa oo ay wali kusugan yihiin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News