SO | EN

SO | EN

Mudaaharaadkii Burco: Dhimashada oo gaartay 6 iyo dhaawaca 18

|

HARGEYSA (Kaab TV) – Tirada dadka ku dhintay mudaaharaadkii rabshadda watay ee ka dhacay magaalada Burco Khamiistii ayaa hadda la sheegayaa inay gaartay illaa 6 ruux oo u badan dhallinyaro.

Ilo wareedka isbitaalka Burco iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in lixda ruux ay ahaayeen dhallinyaradii dibadbaxa ka dhigeysay magaalada, kuwaas oo ay boolisku isku dheceen.

Ciidanka booliska ayaa rasaas u adeegsaday dhallinyarada mudaaharaadka sameyneysay, kuwaas oo la sheegay inay booliska iska hor yimaadeen.

Waxaa dhaawacmay 18 ruux oo ay ku jiraan askarta booliska iyo mudahaaraadyaasha.

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro ayaa sheegay in ay dad badan oo boolis iyo shacabkii mudaaharadayay ay dhaawacmeen.

“Waxaa inaga dhaawacmay tiro badan oo shacbiga, ciidamada booliska iyo ciidamada qaranka. Waxaan shacabka la qeyb sanaynaa tiiraanyada wixii ka dhacay Burco,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro oo shir saxaafadeed Jimcihii ku qabtay Hargeysa.

Wuxuu madaxweynuhu ku tilmaamay fal ka dhashay “warar been abuur ah” oo lagu baahiyay baraha bulshada.

Madaxweyne Cirro ayaa ku baaqay in dadka ka digtoonaadaan wararka been abuurka.

“Waxaan dadka reer Burco u sheegayaa in shacabka lagu kiciyay warar aan jirin oo been ah. Waxaana rajeynaynaa inaanay mar dambe nagu soo noqon,” ayuu sii raaciyay.

Maamulka Gobolka Togdheer ayaa sheegay in xaaladda maanta deggan tahay, isla markaana madaxweynuhu amray in lsiidaayo boqollaal ruux oo ay boolisku xireen intii uu socday mudaaharaadkii Khamiistii.

Madaxweyne Cirro ayaa isaguna sheegay in uu u diray Burco wafdi wasiirro ah oo uu higgaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Waxaa sidoo kale dowladdu bilawday in la hadasho odayaasha dhaqanka si xiisadda loo dejiyo.

Xubno siyaasiyiin ah ayaa xukuumadda Somaliland ku eedeeyay inay awood u adeegsatay dadweynaha. Waxaana ka mid ah madaxweynihii hore Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ku baaqay in dowladdu aysan dadka awood u adeegsanin.

Xiisadda Burco ayaa billaabatay ka dib markii maalinkii Khamiista la sheegay in xukuumadda Somaliland ay siideyn doonto maxaabiis kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo ku xiran xabsiga magaalada Burco.
Xiisadda Burco ayaa billaabatay ka dib markii maalinkii Khamiista la sheegay in xukuumadda Somaliland ay siideyn doonto maxaabiis kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo ku xiran xabsiga magaalada Burco.

Xiisadda Burco

Xiisadda Burco ayaa billaabatay ka dib markii maalinkii Khamiista la sheegay in xukuumadda Somaliland ay siideyn doonto maxaabiis kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo ku xiran xabsiga magaalada Burco.

Xukuumadda Somaliland ayaa beenisay wararkan.

Maxaabiista ayaa ka mid ahaa kuwo ay Somaliland ku qabatay dagaalkii Laascaanood ee 2023.

Waxaa jirtay in Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay bishii hore is weydaarsadeen maxaabiis ay kala heysteen.

Hase yeeshee dadweynaha ayaa ka carooday iyagoo sheegay in marka hore ay tahay in Maamulka Laascaanood ee SSC-Khaatumo uu siidaayo Jeneraal Feysal Cabdi Bootaan oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Somaliland ee lagu qabtay dagaalkii August 2023.

Mudaaharaadka Burco ayaa bilawday ka dib markii maalinkii Khamiista la sheegay in xukuumadda Somaliland ay siideyn doonto maxaabiis kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo ku xiran xabsiga magaalada Burco.
Mudaaharaadka Burco ayaa bilawday ka dib markii maalinkii Khamiista la sheegay in xukuumadda Somaliland ay siideyn doonto maxaabiis kasoo jeeda SSC-Khaatumo oo ku xiran xabsiga magaalada Burco.

Bishii August 2023 ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatumo ayaa ciidamada Somaliland dagaal kaga qabsaday magaalada Laascaanood.

Wixii markaasi ka dambeeyay waxay Laascaanood noqotay xarunta maamulka SSC-Khaatumo oo hadda noqday maamul hoos taga federaalka Soomaaliya, balse Somaliland ay diidan tahay.

Magaalada Burco oo ah xarunta gobolka Togdheer ayaa ka mid ahayd meelihii uu codadka badan ka heley madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro doorashadii Somaliland ee qabsoontay Nofembar 2024.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News