Hargeysa (KAAB TV) – Maamulka Somaliland, ayaa dedaal badan ugu jirta sidii ay mar uga go’i laheyd Soomaaliya inteeda kale una noqon laheyd dal madaxbannaan, waxa ayna Somaliland rejo ka qabtaa in aqoonsi ka hesho Mareykanka iyo dalal kale oo caalamka kuyaalla.
Madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, ayaa sheegay in xukuumadiisa dedaal kasta ku bixineyso sidii aqoonsi u heli laheyd, waxa uuna xusay in hadda rejada ka dhaw dahay sidii hore ayna heli doonaan aqoonsi caalami ah.
Cirro, ayaana odayaal dhaqmeed uu la kulmay u sheegay in rejo badan ka qabo in Somaliland aqoonsi hesho inta lagu gudo jiro muddo xileedkiisa, waxa uuna ballanqaaday in meel kasta ka raadin doonaan aqoonsi, si dal madaxbannaan u noqdaan.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Somaliland in hadda adduunka uu daneenayo Somaliland uu tilmaamay in ay ku taalo meel istaraatiiji ah ayna leedahay bad, waxa uuna tilmaamay in Somaliland imaanayaan maalgashadayaal, kuwaa oo ku qancay nabadda iyo horumarka ay gaareen.
“Somaliland adduunku waa uu danaynayaa, gaar ahaan marka ay timaaddo arrimaha badda. Waxa aad ogaydeen in dhawaan taliayaha ciidammada badda iyo wasiirro kale waxa ay tageen Taiwan si aan isaga kaashanno dhinaca badda iyo ciidanka. Waxa soo socda maalgashadaal badan oo danaynaya Berbera,” ayuu yiri Cirro.

