SO | EN

SO | EN

MUQDISHO : Haweenay si arxan darra ah u gubay ninkii qabay oo geeriyootay.

|

Muqdisho (KAAB ) Isbitaalka digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyootay haweenay uu  maalmo ka hor dab qabad siiyay ninkii qabay sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Haweenaydan waxaa maalmahan lagu dawaynayay isbitaalka , waxaana Dhaqaaiirtu ay sheegeen in ay lahayn uur.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa  baadi goob ugu  jiray sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa ninkii qabay haweenaydan ee ka baxsaday magaalada Muqdisho

AUN marxuumad Luul Cabdicasiis waxa ay ahayd aqoonyahaanad korsanaysay ilmo agoon ahaa.

Ehelada haweenaydan saaka geeriyootay ayaa dalbanaya in cadaalad ay helaan , isla markaana gacanta lagu soo dhigo qofkii falkan gaystay.

Waxaa talabadan gubista haweenaydan la sheegayaa in ay la xiriirta khilaaf Qoys iyo masayr arrimo ku saabsan.

Falkan waxaa ka argagaxay , dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.

Hay’adaha amaanka wali dhankooda lagama hayo wax faahfaahin ah oo ku saabsab dhacdadan argagax leh ee ka dhacday degmada wadajir ee magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

 

 

 

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News