Muqdisho (KAAB TV) – Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday munaasbadda ciidul-fidriga, iyadoo kumanaan dadweyne ah ay salaada ciidda ku ogeen qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka iyo Muqdisho.
Meelaha sida weyn salaada loogu wada oogay waxaa kamid ah Masjid Isbaheysiga halkaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula oogay salaada Ciidda, isagooa dhamaabal hambalyo ah udiray shacabka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, ayaa saxmad ah maanta, iyadoo ay indhahaagu qabanayaan carruur iyo waalid gacmaha is haya, kuwaas oo u socdaalayay goobaha loo diyaariyay ciidda iyo tamashleynta.
Dhanka kale, waxaa maanta siweyn looga ciiday magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana halkaas boqolaal kamid aha shacabka Hargeysa salaada ciidda kula oogay Masjidka Jamaaca ee magaalada Hargeysa, madaxweyne Cirro ayaana bulshada reer Hargeysa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-fidriga.
Si kastaba, munaasabadda Ciidul-Fidriga ayaa si weyn looga dabaaldegay guud ahaan magaalooyinka dalka, waxaana laga dareemayay saxmad waddooyinka waaweyn iyo goobaha ay isku yimaadaan dadka.