Muqdisho (KAAB) Nin ku hubaysan mindi ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho ku toogtay mid ka mid ah macalimiinta dhigta iskuul ku yaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Arintan waxa ay ka danbeysay ka dib markii Gabar uu macalin u ahaa macalin Abdirahman Maclow Abiikar ay walaalkeed ku dacweysay kadibna walaalkeed ayaa Middi ku dilay macalinka isagoo iskuulka jooga.
Waxa uu ahaa macalin da’yar oo si weyn looga yaqaanay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.
Waxaa Dilka geystay Wiil bajaajle ah oo la sheegay in Walaashiis ay ka mid tahay Ardayda Schoolka dhigata sida dad goob joogayaal ah sheegayaan.
Hay’adaha amniga dowladda ma aysan ka hadlin dilka maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan wadajir loogu gaystay macallinka iskuul oo aad dadku ay ugu xumaadeen.