MUQDISHO (Kaab TV) – Muqdisho ayaa bilawday isticmaalka bunka Itoobiyaanka, iyadoo la arkayo dhallinyarada xiiseyneysa cabitaanka bunka Itoobiyaanka oo ay sameeyaan gabdho kasoo jeeda Itoobiya.
Kaab TV ayaa booqatay goob ka mid ah meelaha lagu diyaariyo bunka ama qaxwaha, halkaas oo aan kula kulannay Hani Axmed Xaaji oo noo sheegtay inay ka soo jeedo dhanka Doolow.
Hani waxay sheegtay inay ku bilawday ganacsigeeda si tartiib ah iyadoo ay dadku xiiseynayaan cabitaanka bunka.
“Bunkan waa kii Itoobiyaanka oo orijinaal ah,” ayey tiri Hani mar ay ka jawaabeysay su’aal ah waxa ay ku kala duwan yihiin bunka gacanta lagu sameeyo iyo kafeega oo maqaayadaha waaweyn iyo hoteellada ay dadku ka cabaan.
Hani waxay sheegtay in markii hore ay aaminsaneyd in ay halis tahay in laga shaqeeyo gudaha Soomaaliya, ka dib markii ay maqashay wararka colaadda iyo dilalka dadka rayidka loo geysto.
“Magaaladayda waa Dirirdhabe. Waxaan maqli jiray in Soomaaliya dadka waddada lagu dilo. Laakiin ma arkin hadda wax is dagaalaayo,” ayey tiri Hani.
Hani waxay sheegtay in dadka Soomaalida ee macaamiisha u ah maqaayadeeda ay ku caawiyaan ganacsigeeda, ayna si wanaagsan ula dhaqmaan.
“Waxaan rabaa naan halkaan sii joogo. Waxaanaba doonayaa inaan halkan ka guursado,” ayey si kaftan leh ugu sheegtay Kaab TV.
Meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah waxaa ku soo badanaya ganacsiyada ay sameynayaan dadka qoxootiga ah oo ay Itoobiyaanka qowmiyadda oromada ka midka yihiin ay leeyihiin.
Hase yeeshee qaar badan oo dadka soo galootiga ah ayaa la sheegaa inay kasii tahriibaan Soomaaliya, oo ay safar ku jeeda waddamo kale ay kaga sii baxaan.

