SO | EN

SO | EN

Muqdisho oo shacabkii ugu badnaa ay ka cararayaan ka dib markii uu sii xoogeystay dhul Boobka

|

MOGADISHU (KAAB TV) –Magaalada muqdisho ee casimada soomaaliya waxaa bilihii la soo dhaafay waxaa ka socday Barakin lagu sameynayay dadkii kunoolaa xarumihii Danta guud taas saameyn ku yeelatay dad badan oo qaarkood mudo dheer ku noolaa.

Qaar ka mid ah dadkii laga Barakiyay Meelihii ay ku noolaayeen ayaa u shegay warbaahinta in dhulkeedii xoog lagu qaatay taas oo keentay in dadka qaar ay guud ahaan siga guuran magaalada muqdisho ayaganoona u guuraay deegaano ka fog maagalada muqdisho.

Mid ka mid ah dadka laga Barakici magalada muqdisho oo lagu magacaabo cabdi yuusuf cali ayaa yir’Musuq-Musuq xoogan ayaa ka socda Moqdisho madexweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa barakaciyey shacab badan lagana barakaciyey dhulka danta guud iyo dhulka qaranka ee shacabka Soomaaliyeed ka dhaxeeyey waana wax muuqda Barakinta socodo ma aqaano waxa aan ku Tilmaamo.

Cuntada yar ayaanba dhib ku helnaa oo hadda qutul daruuriga ayaa nagu yar rafaad ayaan ku jirnaa, in xitaa hal galin aan wax cunno ayaa dhacda maalinta dhan. Lows ayaan wareejiyaa mustaqbalkaygii wuu baaba’ay. Mararka qaar xaafada ayaan iska joogaa, markaan waayo lacag aan lows ku soo qaato deyntana la ii diido ayay tiri mid ah Habeenkii laga Barakici deegaankii ay ku nooleed.’

Mgaalada muqdisho duleedkeda waxaa lagu arkaa Hooyooyin, Caruur, iyo dad waayeelo ah, kuwaas gacmaha iyo garbaha ku sito alaabo yaryar oo aay ka qaateen guryahooda.
Hay’adaha samafalka ee ka howlga muqdisho ayaa dhankooda an wax u qaban dadka ku dhibaateysan muqdisho iyo deegaanada u dhow dhow.

Xaalada magaalada muqdisho ayaa sii xumatay tan iyo markii ay bilaabatay Barakinta dadkii ku noolaa xaafadaha qaar ee muqdisho.
.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News