Muqdisho waxaa ka taagan fadeexad ka dhalatay dad labo jeer ladiiwaangeliyay

|

Muqdisho (KAAB TV) – Maxamuud maxamed Warsame oo ah wiil dhalinyaro ayaa ka mid ah dadka labada jeer laga diwaangeliyay degmada dayniinle hayadoo markii hore laga waday goobtiisa shaqada ee waaxda odweyne markii dambe waxaa laga dejiyay mooto bajaaj uu saarnaa waaxda ciise cabdi.

Dadka kunool magaalada muqdisho ayaa is weydinaya sidee macquul ku noqotay in qof laba mar la diiwaangeliyo taas oo ceeb ah ku ah dadka ka shaqeyna isdiiwaangelinta ka socota magaalada muqdisho.

Mid ka mid ah shacabka magaalada muqdisho ayaa sidaan yiri’ Qofka waa laga bensan karaa horaan isu diwan gelshay oo waxaa loqadan karaa in uu uga dhuumanayo diwaanka hadowsan markaas wadan warqadi hore balse waxaa lagu yaqaan qofki hore xogtiisa loxareyay oo sawir iyo faro laga qaday in markasta oo computer ka xogtiisa lageliyo tii hore soobaxdo haddii Systemka iski mid yahay.

Labadan documents Scan laga ka qaaday bal in mid kamida feek yahay iyo in kale balse labadiiba si isku mid ah ayey uga soo muuqdeen sacan kii layaab.

Isticmaalka wadooyinka qaar ee magaalada muqdisho waxaa dhibaato ku qabo shacabka magaalada waxana si xoogga ah laguu dejiyaa gaadiidka ay wataan.

Sidoo kale shacabka Muqdisho ayaa dhibaato ku qaba xirnaashiyaha wadooyinka Muqdisho iyagoona walaac xooggan ka muujiyay arrintan lagu diiwaangelinayo sida xoogga ah.

Qorshaha isdiiwaangelinta ee xoogga ah ee guddiga doorashada ay ka bilaabeen magaalada Muqdisho horay waxaa si weyn u diidana xubnaha mucaaradka.

Tani waxey mugdi gelineysaa ku kalsonashada xog ee lagu qabi karo sestam ka diwangelinta hadiiba qofka toban jeer la diwangelin karo.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News