Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya: Xasan iyo Gachagua oo ku kulmay Italy

|

ROME (KAAB TV) – Warar goordhow soo baxay ayaa daaha ka qaadaya kulan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ku dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua.

Labada mas’uul ayaa dalka Talyaaniga u jooga Shirka Nidaamyada Cuntada ee Qaramada Midoobay oo ay qabanqaabisay hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO.

Madaxtooyada Soomaaliya way iska ilaalisay inay baahiso sawirrada kulankan, iyo inay ka hadasho xitaa inuu kulankan dhacay.

Hase yeeshee, Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa ku baahiyay boggiisa Twitter-ka in dadkii uu la kulmay ay ka mid ahaayeen wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay arrimaha muhiimka u ah gobolka Geeska Afrika iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen madax kale oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,” ayuu yiri Madaxweyne ku Xigeenka Kenya.

Khilaafka badda ee Kenya iyo Soomaaliya

Ma cadda in dhab ahaan madaxda Soomaaliya iyo Kenya ay ka wada hadleen arrinta badda markale, waxaana wararkan loo qariyay si weyn illaa hadda.

Kulanka wuxuu ka dhacay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa muddo dheer ka dhex aloosnaa muran ku saabsan dhanka soohdinta badda. Waxaana kiiskan ku guuleystay Soomaaliya ka dib markii ay go’aan kasoo saartay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ) bishii Oktoobar 2021.

Maxkamadda ayaa diiday sheegashadii Kenya ee ahayd lahaanshaha qeybo badan oo ka mid ah dhul-badeedka, iyadoo loo xukumay in inta badan dhul-badeedkaasi uu yahay mid ay leedahay Soomaaliya.

Kenya ayaa khasaare weyn kala kulantay arrintan waayo waxay ku qasban tahay inay dib u celiso lacago ay ka qaadatay shirkado caalami ah oo kula heshiiyay in ay shidaal ka baaraan dhul-badeedka la isku heystay oo hadda noqday mid ay Soomaaliya leedahay.

Shirkadaha heshiiska kula galay Kenya, waxaa ka mid ah shirkadda ENI ee dalka Talyaaniga. ENI waxay shidaal baaris ka waddaa jasiiradda Lamu ee Kenya.

Waxaa dhowaan soo if baxday in dowladda Jabuuti ay dooneyso inay dhex dhexcaadin kale ka furto arrinta badda, si Soomaaliya ay u oggolaato in 50% ay Kenya qaadato wax-soo-saarka badda, iyo in ENI loo ogolaado inay sii wadato hawlihii baarista shidaalka taasoo Kenya ka badbaadineysa inay dib u celiso lacagihii ay ka qaadatay shirkadda ENI.

Shirkadda ENI ayaa muddo dadaal ugu jirtay sidii ay labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya isugu keeni lahayd. Waxaana arrintaasi ku lug yeeshay dowladda Talyaaniga oo Ra’isul Wasaaraheeda Giorgia Meloni, kulan kula yeelatay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya bishii Abriil 2023 mar uu halkaasi u tagay shir.

Xasan Sheekh ayaa isaguna dhankiisa saanad hub iyo rasaas weydiistay dowladda Talyaaniga.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News