SO | EN

SO | EN

Museveni oo shaaciyay tirada uga dhimatay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidamadiisa

|

Kampala (Kaab TV)-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in 54 askari looga dilay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ku leeyihiin Soomaaliya.

Hadalka Museveni ayaa kusoo aadaya todobaad kaddib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka ATMIS ee Buula-mareer oo 130-km Koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale tiradan uu sheegay Museveni ayaa kayar tiradii ay Al-Shabaab sheegeen in ay kudileen 137 Askri oo katirsan ciidanka Uganda.

Weerarka ayaa dhacay 26-kii bishii hore ee May ayaa kamid ahaa weerarada ay Al-Shabaab kuqaadaan xeerooyinka ciidanka dowladda Soomaaliya.
Museveni ayaa wuxuu horey shaaca ugu qaadaay in weerarkan ay geysteen ilaa 800 oo AlShabaab ah, sidoo kale wuxuu sheegay in gabi ahaanba saldhiga ciidanka Uganda ay AlShabaab gacanta mariyeen.
“Qaar kamid ah askartii halkaas sugneyd ayaan soo bandhigin waxqabadkii laga filayay,argagax ayaana ku dhacay, taas oo keentay inay is habeeyaan, Al-Shabaab-na ay ka faa’iideysteen,” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni.
Wuxuu intaas raaciyay “Howlgalada Soomaaliya iyo masraxada kale, waa howlgallo dagaal ee maaha howlo samafal oo aad ka heli karto gunnooyinka QM”.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News