Kampala (Kaab TV) – Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa sheegay inuu Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya uu u iibinaayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka.
Museveni ayaa sheegay inay taageero xaga hawada ah ka filayeen ciidamada Turkiga iyo Maraykanka ee jooga Somalia, balse aanay waligood ka helin taageero noocaas ah.
“Ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee ka howlgala Soomaaliya oo heysta diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka wax jawaab ah kama bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer” ayuu yiri Musaveni.
Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS.
Museveni ayaa kulankaas dhaleecayn ugu jeediyay Wadamada Soomaaliya ka taageera weerarada dhinaca cirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.
Askar ka badan 54 askari oo ka tirsan ciidanka Ugandha ee ka tirsan howlgalka ATMIS ayaa lagu dilay weerar saf balaaran ah oo Al-shabaab ay ku qaaday bishii hore saldhig ay ku lahaayeen degaanka Buulo mareer.
Madaxweynaha Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones-ka, si ay u adeegsadaan ciidamadiisa ku sugan gudaha Soomaaliya oo weeraro culus kala kulama Al-Shabaab.